Quantcast
Viewing latest article 2
Browse Latest Browse All 6

Baaq ku wajahan muwaadiniin xidhan iyada oo aan maxkamad la soo taagin

Baaq ku wajahan muwaadiniin xidhan iyada oo aan maxkamad la soo taagin
Dallada guud ee kulmisa jaaliyadaha Somaliland ee Yurub(SSE) waxay baaqan si cad ugu qeexayaan sida ay uga xunyihiin in xabsi ama jeel lagu hayo muwadiniin reer Somaliland ah wakhti ama mudo dheer iyada oo aan wax maxkamad ah la soo taagin ama si cad loogu cadeyn fal dambiyeedka lagu soo eedeeyay.

Muwadiniintan oo ahaa mas’uuliyiin qaran waxay kala yihiin:

Axmed Cumar Cabdillahi oo ahaa Badhasaabkii Hargeysa

Axmed Cumar Barre oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta

Cisman Siciid Jaamac oo ahaa la taliyihii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sidoo kale baaqani waxa uu la xidhiidhaa dhammaan muwaadiniinta kale ee sifaha noocaas ah ku xidhan jeelasha Somaliland iyada oo aan maxkamad dacwad ku soo oogta la soo taagin.

Ururka SSE ma difaacayo ama ma garab is taagayo haddii shakhsiyaadkan ay ku cadaato inay galeen fal dambiyeed balse waxa muhiim iyo waajib ah in la difaaco xuquuqda uu muwaadin kastaa leeyahay oo ah, in aan lagu xad gudbin xorriyada iyo karaamada uu huwanyahay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah.Ururka SSE khalad iyo gef ayuu u arkaa in lagu xad gudbay aasaaskii xuquuqda mas’uuliyiintaa iyo shakhsiyaadka kaleba iyada oo ilaa hadda jeel lagu hayo oo aan maxkamad la soo taagin.

Dallada SSE iyada oo ogsoon waajibaadka xukuumadda ka saaran ilaalinta wanaaga iyo habsami socodka dowladnimo ayaa haddana waxa dhinaca kale iyaduna jirta in si feejignaan ah looga taxadaro waxyaabaha xad-gudubka ku ah ee dhaawacaya nidaamka cadaaladeed oo aasaas u ah jiritaanka iyo is-huwanaanshaha bulshada reer Somaliland guud ahaan.

Waxa aanu si hab maamuus ku jiro uga codsanaynaa xukuumadda Somaliland:

-          In si dhakhso ah mas’uuliyiintan xorriyadoodii loogu soo celiyo, haddii daliil cad loo hayana si degdeg ah maxkamad loogu soo taago iyadoo lagu caddeynayo isla markaana cadaalada la marinayo.

-          Xukuumadda Somaliland waxa aanu si guud uga codsanaynaa in aan lagu degdegin xabsi ku haynta muwaadiniinta reer Somaliland ee markaa aan lagu hayn wax fal dambiyeed ah oo ay gacanta kula jiraan ama aan la soo taageyn maxkamad si loogu cadeeyo dembigaa.

-          Dallada guud ee SSE waxay taageeraysaa ama garab taagantahay nidaamka garsoor ee Somaliland ee salka ku haya xeerarka iyo qawaaniinta inoo yaala oo ah kuwa aasaaska u ah ilaalinta xaq-soorka iyo u-adeegida bulshada reer Somaliland.

Ugu dambeyntii waxa naga xasuusin ah sida ay waajib u tahay in la ilaaliyo caddaalada oo ah waxa ban’iidaamka qanciya ama deeqa. Ururka SSE isagoo fahansan duruufaha adag ee ay xukuumadda Somaliland ku shaqeynayso ayaa haddana ay mahuraan tahay in feejignaan iyo taxadar gaar ah la siiyo xushmada, karaamada iyo xorriyada uu leeyahay muwaaadin kasta oo reer Somaliland ah. Ilaahay xaqa, wanaaga iyo Caddaalada ha inagu sugo (Aamiin).

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee SSE

Viewing latest article 2
Browse Latest Browse All 6

Trending Articles